Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarrigga ka jaray waddo la dayactiray “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 26, 2015
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarrigga ka jaray waddo la dayactiray “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadadaan isku xirta xarrunta Maamulka Degmada Warta Nabadda iyo xaafadda Geed-Jacely ee magaalada Muqdisho oo dhawaan la soo gabo gabeeyay dib u dayactirkeeda, kaddib markii uu sameeyay bur bur xooggan oo sabab u ah dagaalladii sokeeye ee  dalka ka dacay ayaa waxaa maanta xarigga ka jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka.

Guddoomiyuhu markii uu gaaray xarrunta degmada Warta Nabadda ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay qeybaha kala duwan bulshada, kuwaasi oo wajiyadooda laga dheehanayay farxad ku aadan dib u furista wadadaasi oo saameyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala wadada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Yaasiin Nuur Ciise oo la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir fududeynta dib u dayactirka lagu sameeyay wadada isku xirta xarrunta maamulka iyo xaafadda Geed-jaceyl ama wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo la hadlay shacabka ayaa kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan billicda wadada, maadaama dib u dayactir lagu sameeyay.

Dib u dayactirka wadadan lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah dadaallada uu maamulka Gobolka Banaadir ugu jiro horrumarinta adeegyada bulshada.

1 2 3 4 5

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Magacowday Maamulka Degmada Mahadaay

Next Post

Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Next Post
Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In