Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kale duwan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kale duwan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, August 27.2015——Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Amniga, warbixin guddiyadii loo xil saaray baaritaanka qodobada lagu xusay mooshinka madaxweynaha iyo soo jeedin qorshe qaran oo ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah ee lagula koco dumarka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay guddiyadii loo xil saaray arrinta mooshinka, waxayna xubnaha goluhu isla garteen in la helo xal siyaasadeed oo waara, iyadoo la eegayo geeddi socodka nabadda iyo danta guud.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Drs Qadar Bashiir Cali ayaa golaha warbixin dheer ka siisay safar ay ku tagtay dalka Masar halkaasoo ay heshiis horumarinta waxbarashada ah kula soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar, waxayna Wasiiradu sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo arday ay siin doonto waxbarasho lacag la’aan ah, ayna sidoo kale u tababari doonaan 40 macalin.

Sidoo kale, Drs. Khadar ayaa xustay in dowladda Masar ay ka codsatay in lagu wareejiyo Iskoolka 15-ka May iyo iskoolka Sheekh Xasan Barsame, iyaga oo balan qaaday inay ku sameynayaan dayactir heer sare ah islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed wax ugu bari doonaan si lacag la’aan ah.

Sidoo kale, Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka Sahro Cali Samatar ayaa golaha u soo gudbisay hindise qaran oo ku aadan sidii loo baabi’in lahaa gudniinka fircooniga ah ee lagula koco gabadhaha, kaasoo aanan ku banaaneyn diinta islaamka, dhibaatooyin fara badana u geysta gabadhaha Soomaaliyeed.

Dood dheer iyo falan qeyn kadib, golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in la helo qorshe qaran oo laga dhaqan geliyo dalka oo dhan, kaasoo lagu baabi’inayo gudniinka fircooniga ah.

—DHAMMAAD—

1 4 unnamed

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Gobolka Hiiraan Oo Xukuno Kale Duwan Riday

Next Post

Daawo Sawirada:-Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Tababar Loogu Soo xiray Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirada:-Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Tababar Loogu Soo xiray Muqdisho

Daawo Sawirada:-Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Tababar Loogu Soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In