Sunday, November 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiska+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiska+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalkacyo, dib u soo laabashada colaada Gaalkacyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn ka hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee shalay wada gaareen Puntlanld iyo Galmudug, ayna goob jooga ka ahaayeen wafdiga ballaaran ee dowladda Federaalka ee uu hogaaminayay Raโ€™โ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

November 28, 2026

Golaha Wasiirada ayaa si wada jir ah u cambaareeyey dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo, xilli ay weli fidsan tahay gogosha nabadeed ee la isku afgartay shalay in la sii ambaqaado, waxayna ugu baaqeen in la illaaliyo nabadda iyo heshiiska Gaalkacyo, si loo baajiyo dhiiga shacabka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa waxay ka hadleen howlaha Dib u dhiska, iyo dayactirka ay hayโ€™addaha dowladdu wadaan, waxayna hoosta ka xariiqeen in Wasaaradda Howlaha Guud iyo guriyeynta ay tahay Wasaaradda u xil saaran dhamaamba howlaha dib u dhiska iyo dayactirka, gaar ahaana Diyaarinta, Kormeeridda iyo Qiimeynta dhismaha iyo dayactirka.

Waxay sidoo kale, fareen Wasaaraddaha Xukuumada inay ku wareejiyaan heshiisyada iyo qorsheyaasha dib u dhiska iyo dayactirka dowladda, kuna tixgeliyaan Wasaaradda howlaha guud, si loo illaaliyo nidaamka shaqada iyo waajibaadka Wasaaraddaha iyo hayโ€™addaha dowladda.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Marwo Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

h k unnamed

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudan+Sawirro

Next Post

Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum ” SAWIRRO”

Next Post
Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum ” SAWIRRO”

Dood cilmiyeed looga hadlayay xaalka Warfaafinta Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Khartoum '' SAWIRRO''

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Habraaca Wadashaqeynta...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

November 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Olalaha Qaran ee Tallaalka Ciribtirka Cudurka Dabaysha, ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA  oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

November 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb,...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka

November 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In