Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Oo magacabay Shan Safiir “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Oo magacabay Shan Safiir “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Muqdisho, 02. April, 2015…. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, soo jeedin safiiro cusub, ansixinta xeer hoosaadka golaha wasiirada iyo qaxootiga ku dhibaataysan dalka Yeman.

Ugu horayntii Wasiirka Amniga Qaranka ayaa golaha soo hor dhigay Hindise Siyaasadeed lagula dagaalamayo argagaxisada, loogan hortagayo amni xumada, waxaan goluhu dood dheer kadib ansixiyeen Hindise Siyaasadeedka Istiraatiijiyada la dagaalanaka Argagaxisada, oo u jeedkiisu yahay in dowaldu yeelato qorshe dhamaystiran oo lagula dagaalamayo argagaxisada, kor u qaadida cadaaladda iyo kala danbaynta, in deg deg looga jawaabo weerarada argagaxisadu soo maleegaan, fariimo midaysan oo ay dowladu yeelato marka laga jawaab celinayo dhacdooyinka argagaxisada, dhaqan badalida dhalinyarada ay marin habaabiyeen, iyo in fursad loo siiyo iney dib ugu soo noqdaan bulshada .

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyinka soo wajihi kara qaxootiga ku nool dalka Yeman, kadib markii dalkaas intiisa badan ay la wareegen kooxaha Xuutiyiinta, waxaana wasiirku sheegay in wasradu ay magacowday gudi ka soo talo bixiya sidii wax loogu qaban lahaa qaxootiga ku dhibaataysan dalkaas, iyadoo iskaashi lala yeelanayo hay’ada Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Wasiirka ayaa sidoo kale golaha soo hordhigay tal soo jeedinta shan safiir oo cusub kuwaas oo goluhu dood dheer ka dib ay ansixiyeen in la magaacbo danjirayaal:

1. Jamaal Xasan
2. Jamaal Maxamed Barow
3. Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya
4. Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi
5. Daahir Maxamuud Geele

Dhanka kale oo golaha wasiiradu waxay isku raaceen in dib loo furo sadex safaaradood oo horay loo xiray , oo kala ah Jarmalka, Maleeshiya iyo Burundi. dib habayna lagu sameeyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Faransiiska.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadeen saaka waaberigii Jaamacada Gaarisa, halkaas oo ay ku dhinteen arday wax ka baranaysay, ayna ku dhaawacmeen qaar kale.

—DHAMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Werarkii Jaamacadda Gaarisa.

Next Post

Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Next Post
Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In