Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Oo magacabay Shan Safiir “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 2, 2015
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Oo magacabay Shan Safiir “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Muqdisho, 02. April, 2015…. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, soo jeedin safiiro cusub, ansixinta xeer hoosaadka golaha wasiirada iyo qaxootiga ku dhibaataysan dalka Yeman.

Ugu horayntii Wasiirka Amniga Qaranka ayaa golaha soo hor dhigay Hindise Siyaasadeed lagula dagaalamayo argagaxisada, loogan hortagayo amni xumada, waxaan goluhu dood dheer kadib ansixiyeen Hindise Siyaasadeedka Istiraatiijiyada la dagaalanaka Argagaxisada, oo u jeedkiisu yahay in dowaldu yeelato qorshe dhamaystiran oo lagula dagaalamayo argagaxisada, kor u qaadida cadaaladda iyo kala danbaynta, in deg deg looga jawaabo weerarada argagaxisadu soo maleegaan, fariimo midaysan oo ay dowladu yeelato marka laga jawaab celinayo dhacdooyinka argagaxisada, dhaqan badalida dhalinyarada ay marin habaabiyeen, iyo in fursad loo siiyo iney dib ugu soo noqdaan bulshada .

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyinka soo wajihi kara qaxootiga ku nool dalka Yeman, kadib markii dalkaas intiisa badan ay la wareegen kooxaha Xuutiyiinta, waxaana wasiirku sheegay in wasradu ay magacowday gudi ka soo talo bixiya sidii wax loogu qaban lahaa qaxootiga ku dhibaataysan dalkaas, iyadoo iskaashi lala yeelanayo hay’ada Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Wasiirka ayaa sidoo kale golaha soo hordhigay tal soo jeedinta shan safiir oo cusub kuwaas oo goluhu dood dheer ka dib ay ansixiyeen in la magaacbo danjirayaal:

1. Jamaal Xasan
2. Jamaal Maxamed Barow
3. Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya
4. Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi
5. Daahir Maxamuud Geele

Dhanka kale oo golaha wasiiradu waxay isku raaceen in dib loo furo sadex safaaradood oo horay loo xiray , oo kala ah Jarmalka, Maleeshiya iyo Burundi. dib habayna lagu sameeyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Faransiiska.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadeen saaka waaberigii Jaamacada Gaarisa, halkaas oo ay ku dhinteen arday wax ka baranaysay, ayna ku dhaawacmeen qaar kale.

—DHAMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Werarkii Jaamacadda Gaarisa.

Next Post

Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Next Post
Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In