Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey laba Hindise Sharciyeed

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey laba Hindise Sharciyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.

Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Golaha Wasiira ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay dagaalka lagulajiro Khawaarijta

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kormeeray Deegaanka Nuur-dugle Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kormeeray Deegaanka Nuur-dugle Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kormeeray Deegaanka Nuur-dugle Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In