Sunday, January 29, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey laba Hindise Sharciyeed

Mulki Cabdi by Mulki Cabdi
November 24, 2022
in Wararka
0
Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey laba Hindise Sharciyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.

Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Related posts

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo tegay furimaha dagaalka

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo tegay furimaha dagaalka

January 28, 2023
Guddoomiyaha G\Shacabka oo kulan la qaatay qaar kamid ah ergada ka qeyb-galaya Shirka dib u heshiisiinta KGS

Guddoomiyaha G\Shacabka oo kulan la qaatay qaar kamid ah ergada ka qeyb-galaya Shirka dib u heshiisiinta KGS

January 28, 2023

Golaha Wasiira ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay dagaalka lagulajiro Khawaarijta

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kormeeray Deegaanka Nuur-dugle Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kormeeray Deegaanka Nuur-dugle Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kormeeray Deegaanka Nuur-dugle Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo tegay furimaha dagaalka

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo tegay furimaha dagaalka

January 28, 2023
0

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray Wasiirro iyo Guddoomiyaha Degmada...

Guddoomiyaha G\Shacabka oo kulan la qaatay qaar kamid ah ergada ka qeyb-galaya Shirka dib u heshiisiinta KGS

Guddoomiyaha G\Shacabka oo kulan la qaatay qaar kamid ah ergada ka qeyb-galaya Shirka dib u heshiisiinta KGS

January 28, 2023
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, ayaa maanta kulan la qaatay wafdiga ka...

Dowladda Soomaaliya,IGAD oo daah fureen shirka falanqeynta Istaraatiijiyadda Blue Economy

Dowladda Soomaaliya,IGAD oo daah fureen shirka falanqeynta Istaraatiijiyadda Blue Economy

January 28, 2023
0

Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD, ayaa maanta  magaalada Muqdisho ka daah fureen shirka falanqeynta Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha ee Blue Economy....

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

January 28, 2023
0

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In