Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโuud Aweys Jaamac oo wareysi dhinacyo badan leh siiyay wakaaladda wararka Sputnik ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda xoogeeda isagu geeysay sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Khawaarijta ah ee caadeysatay daadinta dhiiga dadka rayidka .
Wasiirka ayaa ka hadlay caqabada ay la kulantay xukuumadda cusub markii ay xilka la waareegtay kuwaas oo ay ugu weynaayeenย caqabadaha dhanka amniga iyo dhanka abaaraha.
Wasiir Daaโuud ayaa yiri: โdowladdu waxay ku dadaalaysaa sidii ay ula dagaalami lahayd argagaxisada, oo aan doonayno inaan ka ciribtirno Soomaaliya, waayo haddaan la iska saarin argagaxisada, lagama shaqeyn karo barnaamijyada kale ee horumarineedโ.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in qorshaha dowladdu kula dagaaleyso aragagixsida yahay mid seddex geesooda ah, kuwaas oo kala ah dagaalka tooska ah ee ciidan, dagaal dhaqaale iyo dagaalka fikirka .
Mudane Daaโuud Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in kooxda Khawaarijta ah ay ka been abuurtay diinteena islaamka, isagoo soo daliishaday sida ay u xalaaleysteen daadinta dhiigga dadka rayidka iyo boobka hantida daweynaha.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in kooxdaan aragagixsada ah ay geystay falal ka baxsan bini aadanimada kadib markii ay duugtay ama sumeysay ceelal biyoodyo iyada oo ay dalka ka jirto abaar saameysay dadka iyo xoolaha.
Wasiirrka warfaafinta ayaa dhanka kale shegay in dalka ay ka jirto abaar baahsan taas oo u baahan in wax laga qabto, isaga oo xusay in kaalmo iyo caawinaad kasoo gaartayย qaar ka ka mid ah dowladahaย Islmaamka iyo heyโadaha caalamiga ah.
Wasiirka ayaa yiri: โ Abaartu waa masiibo dabiici ah, taas oo qayb ka ahย dhibaatooyinka ka dhashayย isbedalka cimilada ee ka jiraย dunida oo dhanโ.











