Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirrada oo ansixiyay sharciga xanaanada xoolaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodi caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana shir gudoominayay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Afhayeenka xukuumadda oo shirka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka gobolaha wasiirrada maanta warbixin looga dhageeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane C/raxmaan Maxamed Odawaa oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee booqashada ku tagay Beledweyne.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiir Odawaa ayaa xusay in safarkii uu madaxweynuhu ku tagay Beledweyne laga gaaray guulo waaweeyn iyo isfaham, isagoo dhinaca kale tilmaamay in heshiis buuxa laga gaaray dagaal beeleedyo ka dhacay Beledweyne.

Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay sharciga xanaanada xoolaha oo ay soo bandhigtay wasaaradda xanaanada xoolaha, kaasoo mudnaan gaar ah u leh xaanaaneynta xoolaha, iyo iib geyntoodaba.

Dhinaca kale golaha wasiirrada ayaa aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqota hey’adda  Islaamiga ah ee horumarinta dhaqaalaha ee loo yaqaano ICD, waxa ayna hey’adaasi hoos tagtaa bangiga horumarinta Islaamka.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay heshiiska tayo dhowrka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha, waxaana tayo dhowr lagu sameyn doonaa dhameen badeecadaha dibadda laga keeno.

Previous Post

Munaasabad lagu xusayay dhalashadi Nabigeena Muxamad oo lagu qabtay Cadaado+Sawirro

Next Post

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Masar+Sawirro

Next Post
Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Masar+Sawirro

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Masar+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In