Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2016-ka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2016-ka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin soo gudbin Miisaaniyad sanadeedka 2016, iyo xog uruurin ay soo sameeyeen xubno ka tirsan guddigii loo xil saaray gurmadka Fatahaadaha laga cabsi qabo iyo roobabka El Niño.

Kulankan ayaa waxaa si qota dheer looga dooday Miisaaniyad sanadeedka sanadka 2016, oo ah kharash dhan 216, taasoo 64% (Boqolkiiba lixdan iyo afar), loo qoondeeyey inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, waxaana Miisaaniyaddan golaha u faah faahiyay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Golaha Wasiirada, ayaa dood dheer kadib, meel mariyay Miisaaniyad sanadeedkan, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ballan qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho dib u eegis lagu sameyn doono, si loo kordhiyo qoondada wasaaraddaha.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixin xog uruurin ah ka dhegeystay Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C.raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxayna ka warbixiyeen socdaalo ay ugu kuurgalayeen xubno ka tirsan guddiga gurmadka Fatahaadaha iyo Roobabka El Niño, gaar ahaana Hiiraan iyo J/hoose.

Guddiga ayaa tagi doona dhamamaam gobolada ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, si loogu sii tabaabusheysto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan goboladaasi, oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Fatahaado waaweyn iyo Roobab wata dabeylo.

1 2 3 4 5

 

Previous Post

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay gobalka Galgaduud.

Next Post

M.weyne Xasan Sh Oo La Kulmay R.wasaraha India

Next Post
M.weyne Xasan Sh Oo La Kulmay R.wasaraha India

M.weyne Xasan Sh Oo La Kulmay R.wasaraha India

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In