Saturday, May 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2016-ka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Miisaaniyad sanadeedka 2016-ka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin soo gudbin Miisaaniyad sanadeedka 2016, iyo xog uruurin ay soo sameeyeen xubno ka tirsan guddigii loo xil saaray gurmadka Fatahaadaha laga cabsi qabo iyo roobabka El Niño.

Kulankan ayaa waxaa si qota dheer looga dooday Miisaaniyad sanadeedka sanadka 2016, oo ah kharash dhan 216, taasoo 64% (Boqolkiiba lixdan iyo afar), loo qoondeeyey inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, waxaana Miisaaniyaddan golaha u faah faahiyay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti.

Related posts

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

May 16, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

May 16, 2026

Golaha Wasiirada, ayaa dood dheer kadib, meel mariyay Miisaaniyad sanadeedkan, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ballan qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho dib u eegis lagu sameyn doono, si loo kordhiyo qoondada wasaaraddaha.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixin xog uruurin ah ka dhegeystay Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C.raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxayna ka warbixiyeen socdaalo ay ugu kuurgalayeen xubno ka tirsan guddiga gurmadka Fatahaadaha iyo Roobabka El Niño, gaar ahaana Hiiraan iyo J/hoose.

Guddiga ayaa tagi doona dhamamaam gobolada ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, si loogu sii tabaabusheysto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan goboladaasi, oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Fatahaado waaweyn iyo Roobab wata dabeylo.

1 2 3 4 5

Previous Post

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay gobalka Galgaduud.

Next Post

M.weyne Xasan Sh Oo La Kulmay R.wasaraha India

Next Post
M.weyne Xasan Sh Oo La Kulmay R.wasaraha India

M.weyne Xasan Sh Oo La Kulmay R.wasaraha India

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

May 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarig jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS

May 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caddeysay in Dalka ay ka Dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah

May 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo fulinaysa waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dhaqan-galinta doorasho Qof iyo cod...

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In