Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay mahadcelin iyo qaddarin weyn u muujinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhowr hindise sharciyeed oo caalami ah, kuwaas oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu soo gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali.

Hindise-sharciyeedyada la ansixiyey waxaa ka mid ah:

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026

• Heshiiska u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ee ku saabsan ka-dhaafitaanka fiisaha dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed. Heshiiskani wuxuu fududeynayaa safarrada diblomaasiyadeed, isla markaana xoojinayaa xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.

• Is-afgaradka ku saabsan Habka Dib-u-eegista Iskaashiga Afrika (APRM – African Peer Review Mechanism), kaas oo xoojinaya ka-go’naanta Soomaaliya ee ku aaddan maamul-wanaagga, isla-xisaabtanka, iyo iskaashiga ku saleysan wada-eegista dalalka Afrika.

• Heshiiska Ilaalinta Dhammaystiran (CSA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA). Heshiiskani wuxuu xoojinayaa u hoggaansanaanta Soomaaliya ee heerarka caalamiga ah ee ku saabsan isticmaalka nabadeed ee tiknoolajiyadda nukliyeerka.

• Hannaanka Dheeraadka ah (Additional Protocol – AP) ee ku lifaaqan heshiiska ilaalinta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo IAEA, kaas oo kor u qaadaya hufnaanta iyo iskaashiga nidaamka caalamiga ah ee ka hortagga faafidda hubka nukliyeerka.

Ansixinta heshiisyadani waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo mudnaanta diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo adkeynta doorka wax-ku-oolka ah ee dalka uu ku leeyahay bulshada caalamka.

Previous Post

Wasaaradda Dastuurka XFS oo soo saartay Bayaan Dadweyne

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidanka qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuuney

March 29, 2026
0

Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa maanta oo ay taariikhdu...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In