Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Khamiis, Feberaayo 27, 2020—Golaha Wasiirrada xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hindise Sharciyeedka Socdaalka, Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda, siyaasadda waxbarashada dalka iyo Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska.

Kulanka golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha.

Related posts

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026

Shirka oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kale oo lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-af-garad ah oo dhex maray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay hoteelka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle.

Dhammaan Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha qaran ee golohu meel mariyay ayaa qayb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku dooneyo in howlaha iyo adeegyada shacabka Soomaaliyeed u heyso lagu saleeyo, lagana tix raaco sharciyo iyo siyaasado cadcad oo si hufan loo diyaariyay.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo booqday xarumo ku yaala Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdalla...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

February 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In