Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo booqday xarumo ku yaala Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo booqday xarumo ku yaala Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cali Xasan Sabarey oo ay weheliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsinta Puntland Eng Maxamed Ciise Cismaan, Duqa degmada Galkacyo iyo isuduwaha Wasaaradda Warfaafinta ee gobolka Mudug ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga sare ee Cumar Samatar,  garoonka kubadda Cagta iyo isbitaalka guud ee Galkacyo,

Wasiirka Warfaafinta, Agaasimaha Guud iyo mas’uuliyiinta kale ayaa waxa ay dugsiga Sare ee Cumar Samatar ku soo dhaweeyey guddoonka Waxbarashadda Gobolka Mudug ee maamulka iskoolka.

Related posts

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026

Mas’uuliyintan ayaa dhamaantoodba ardeynimadoodii wax ku soo bartay Dugsiga Sare ee Cumar Samatar wakhtiyo kala duwan, Wasiirka oo ardeyda hadal ujeediyey ayaa sheegay inuu xasuus gaara iyo taarikhba u leeyahay iskuulka Cumar Samatar isagoo kuwaaniyey inay dalka iyo diintaba wax u bartaan:

Sidoo kale Agaasimaha Guud, Duqa Degamada, Guddoonka Waxbarashadda Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay dugsiga sare ee Cumar Samatar ee Gaalkacyo ay wax ku soo barteen.

Wafdiga Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa booqday garoonka kubadda cagta ee Maxamed Cawaale ee magaalada Gaalkacyo oo dhismo aad u balaarani ka socdo gudihiisa, kaas oo la doonayo in laga dhigo garoon caadi ah, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey guddiga dhismaha garoonka kubbadda cagta ee Cawaale Stadium waxayna mas’uuliyintas uga warbixiyeen halka uu marayo dhismaha garoonku,

Wasiirka iyo agaasimaha guud waxay sheegeen inay guddiga dhismaha garoonku shaqo wanaagsan qabteen, loona baahanyahay in la gawada qeybqaato dhameystirkiisa.

Wafdiga waxaa kaloo ay booqdeen isbitaalka Guud Galkacyo ee Gobolka Mudug, waxana halkaas ku soo dhaweeyey maamulka isbitaalka guud, iyagoo ka waramay shaqada iyo adeegyada caafimadka ee bulshada ay siiyaan, iyagoo sheegay in isbitaalka intiisa badan ay gacanta ku hayso Hay’adda MSF oo isbitaalka si weyn uga caawisa dhinacyo kale duwan.

Wasiirka agaasimaha guud iyo masuuliyiinta kaleba waxay baaq u direen dhamaan bulshada Puntland ee joogta dalka dibadiisa iyo gudihiisaba inay ka qeyb qaataan dhamaystirka dhismaha qeybaha ka haray ee isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

Previous Post

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo howlo shaqo u tegay Balcad

Next Post

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda

Next Post
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey'adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeed, dhagaystayna warbixino muhiim ah, sidoo kalena sixid ku sameeyay magacaabis hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo  kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

August 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa isaga iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In