Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha xukuumadda oo meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Golaha xukuumadda oo meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan qodobada looga hadlay ay ka mid ahaayeen, qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada iyo Soo jeedinta Wadahadaladii Xalinta Qodobada ku xusnaa Mooshinka.

Ugu horeyn Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha Wasiirada u soo bandhigtay, sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha Qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada, waxayna xustay in ujeedada qorshahani uu yahay in la illaaliyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale, Marwo Xaawo Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in Siyaasada Dawadu ay tahay in la sameeyo, lana horumariyo adeegga qeybta Daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awooda dhaqaale iyo mida shaqaale ee la heysto, si loo haqabtiro baahida dadweynaha ee ka hortagga, baarista iyo daweynta Cudurada.

Ugu dambeyntiina, golaha Wasiirada ayaa cod gacantaag ah ku meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradu waxa ay ka hadleen qodobadii ka soo baxay wadahadaladii xallinta Mooshinka ee ka dhanka ahaa madaxweynaha, iyaga oo soo dhoweeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa faray xubnaha golaha Wasiirada inay si dhaqso leh ugu howlgalaan, fuliyaana waajibka Wasaarad kasta uga aadan fulinta Qodobadii ka soo baxay Wadahadalka Xalinta Mooshinka.

1 2 3

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Koonfur galbeed-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Koonfur galbeed-Sawirro

Madaxweynaha oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Koonfur galbeed-Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In