Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah oo ay wehliyaan xubno katirsan golayaasha dowlada ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkasoo uu booqasho ku tagey islamarkaana kulamo kula qaatay maโuuliyiinta mamaulka Koonfur galkbeed,odayasha dhaqanka iyo saraakiisha ammaanka dowlada Soomaaliya.
Ujeedada socdaalka madaxweynaha oo ku qotontay xog wareysi iyo ka talobixinta halka ay marreyso xulista barlamanaka mamaulka Koonfur galbeed ayaa waxaa munaasbad lagu qabtay magaalada Baydhabo sharraxaad ka bixiyaya halka ay mareyso xulsita barlamaanka iyo habka loo marayo Suldaan Warsame Caliyow Ibrow oo katirsan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha mamaulka Koonfur galbeed mudane Shariif XasanSheekh Aadan ayaa uga mahadceliaya madaxweyanha qaranka sida uu ugu howlanyahay sal u dhigida qaranaimada Soomaaliya,isagoo ka hadlay xalado baniโaadnaimo oo kajira deegaanada qaar iyo wadooyinka isku xira magaalooyinka ku yaala deegaanada koonfur galbeed oo ay arggaxisadu qalalaaso ka wadaan iyo sida mamaulku u doonayo iyo sida uu maamulku u doonayo in uu bulshada ku qanciyo soo xulista golaha wakiilada.
Madaxweynaha jamhuuriyadad Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamauud oo khudbad u jeediyaya boqolaal shacabka Koonfur galbeed ah iyo masโuuliyiinta maamulka ayaa ugu horeyn uga mahadceliayya maamulka Koofur galbeed ee uu madaxweyne Shariif Xasan horkacayao isbedelka mudada kooban ay ka dhaliyeed deeganadaasi waxa uuna ka hadlay sida dowladu u dooneyso in loo dhameystiro barlamaanka uu yeelanayo maamulka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha jamhuuriyadad Soomaaliya waxa tilmaamay in dowladu aanay ka daali doonin toosinta wadada uu dalkani ku garaayo doorasho iyo dimaqradiyad.
Madaxweynaha Soomaaliya aya aintaa kadib kulamo gaar ย gaar ah la qaatay masโuuliyiinta maamaulka Koofur galbeed saraakisha ciidmaada iyo odyaasha dhaqanka iyadoo isla galabta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.