Guddiga Arrimaha Gudaha iyo amniga ee Golaha shacbka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Hogaaminayo Xogahayaha Guddiga Xilldhibaann .Maxamed Ibraahim Cabdi “ Diyeeshe” iyo Xubnaha Guddiga iyago gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ayaa maanta kormeer kadis ah ku tagay Xarunta Hey’adda Maareeynta iyo masiibooyinka Qaranka.
Guddiga wuxu kormeer ku sameeyey xafiisyada Hey’adda Sido kale Guddigu wuxuu u kuurgalay nidaamka ay u shaqeyso Hey’adda SoDMA Sida Xarunta Qaran ee ka disgista Halis wadareedka “ National Multi-Hazard early warning Center ”.
Waxaa Xarunta Hey’adda ku soo dhaweeyey Guddiga ; Guddoomiyaha Hey’adda MaareyntaIyo masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Guddoomiyaha Hey’adda ayaa ugu warbixiyey Guddiga baaxada khasaaraha ka dhashay Fatahaadii El-Niño ee saameysay dalka iyo jawaabta celinta ay ka bixisay Hey’adda, iyado ka shaneysa Hey’adaha Caalamiga iyo wax qabadka Hey’adda .
Xubanaha Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey Guddoomyaha wax qabadka Hey’adda Xubnaha Guddiga ayaa u sheegay Guddoomiyaha Hey’adda in Golaha Shacabka ay ka sugayaan Guddigaan warbixin.
Ugu Dambeyn Xoghayaha iyo Xubnaha Guddiga ayaa kaga mahadceliyey Guddoomiyaha Heya’adda warbixintii ay soo bandhigeen runta ka muuqatay iyo jawaabtii ay ka bixiyeen fatahaadii El-Niño.