Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaali waxaan rabaa inaan u sheego Dastuurka waqti uma dhinna”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaali waxaan rabaa inaan u sheego Dastuurka waqti uma dhinna”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu hambaleeyay madaxda cusub ee dhawaan ku soo baxay doorashaddii Puntland ka qabsoontay.

Xafladda oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa munaasabadda ka qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaal hore, marti sharaf ka socoto waddamada dariska ah iyo qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026

Madaxda ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa Hambalyo iyo dardaaran u dirtay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo kula taliyey in ay si wanaagsan u gutaan mas’uuliyadda culus ee loo idmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo Janaayo 8, 2024-ka loo doortay hoggaanka shanta sano ee soo socota ee Puntlan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray dhameystirka Dastuurka iyo sida ay dowladdiisa muhiim ugu tahay, waxa uu sidoo kale sheegay in aanan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlaya Dastuurka ayaa yiri, “Soomaali waxa aan rabaa in aan u sheego Dastuurka wakhti uma dhinna. Dastuurkaan hanti Soomaaliyeed ayaa lagu dhameystiri doonaa dibad loo qaadi maayo.”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gacan dalka lagu xorreyn doono, gacanna lagu dhameestiri doona Dastuurka oo soo socday muddo ka badan 10 sano, iyada oo dowladihii hore ay ku guuleysan waayeen in ay dhameestiraan.

Hadalkaan uu ka sheegay Madaxweynaha caleema saarka Saciid Deni ayaa ku soo aadaya xilli maalnimadii shalay fadhi wada jir ah ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ay ku meel mariyeen Habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka.

Previous Post

Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”

Next Post

Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Israel ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Next Post
Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Israel ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Israel ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In