Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la qaatay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga Xil. Mukhtaar Maxamed Guuleed ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanada Xubnaha ka ah guddiga, ayaa Wasaaradda loogu dhegeystay warbixin guud oo ku saabsan shaqada ay Wasaaradda u heyso bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa beeraleyda ah ee ay sida gaarka ah umatasho.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xil. Axmed Madoobe Nuunow oo guddiga warbixin guud ka siiyey shaqada wasaaradda ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey xubnaha guddiga wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhexeyso isagoo sidoo kale balan qaaday inay guddiga si dhow uwada shaqeyn doonaan iyagoo iska kaashan doono horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed iyo Suuq geynta wax soo saarka dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha guddiga ugu mahadceliyey Wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay uhayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ka codsaday inay hab qoraal ahaan ugu soo gudbiyaan guddiga dhamaan waxyaabihii ay shirka uga wada hadleen si hawlaha korjoogteynta ee guddigu ugu fududaato.