Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashooyinka oo ka hadlay howlaha horyaala

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga doorashooyinka oo ka hadlay howlaha horyaala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle oo ah guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahiyay holwaha guddiga horyaala oo ah qabashada doorashada sanadkan 2016.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddiga oo ka kooban 22 xubnood loo qeybiyay guddiyo kala duwan oo ay kamid yihiin; guddiga warbaahinta iyo wacyelinta, guddiga xalinta khilaafaadka, guddiga amniga iyo guddiyo oo dhammaan ka wada shaqeeya hirgelinta doorashooyinka dalka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

“Gudiiga shaqadiisa ma ahn qofka xildhibaan noqonaya iyo kan aan noqoney ee waa fududeeyaha howlaha doorashooyinka dalka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Dhagey ayaa sidoo kale sheegay in doorashada sanadkan 2016 aysan jirin sharci dalka u yaala oo lagu shaqeynaayo hase ahaatee ay ku shaqeyn doonaa heshiiyadii madashada wadatashiga qaran ay wada saxiixeen.

Intii shir saxaafadeedka uu socday ayaa guddoomiyaha waxaa la weydiiyay waqtiga doorashada la qaban doono iyo hadii uu jiro dib u dhac waqtigii loogu talagalay doorashada, isagoo sheegay in sida ay doorashada u dhacayso iyo waqtiga la qaban doono maalmaha soo socda la kala ogaan doono.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in waxyaabaha guddigan uu ka shaqeyn doono ay kamid tahay sidii guud ahaan maamulada dalka ay ugu qabsoomi la heyd doorasho lagu kalsoon yahay oo hufan.

Abuukaate Cumar Dhegey, ayaa sidoo kale sheegay in guddigan federaalka ee doorashooyinka dadban ay sidoo kale la shqeyn doonaan guddiyada doorashooyinka ee dowlad goboleedyada.

“Guddigan waa mid madax banaan oo ka shqeynaya hirgelinta doorashooyinka dalka, isla markaana wada shaqeyn la leh dhammaan dowlad goboleedyada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee wanaaga jecel” ayuu hadalkiisa ku daray.

Previous Post

SHAQOOYIN KA BANAAN XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada  adduunka ee RIO 2016”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada  adduunka ee RIO 2016”

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In