Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Kigali qeybgalay kulanka Guddiyada Maareeya Doorashooyinka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Kigali qeybgalay kulanka Guddiyada Maareeya Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanki afaraad ee sanadlaha ah ee qaaradda ee ay yeeshaan Guddiyada Maareeya Doorashooyinka ayaa usbuuc ka hor ku soo idlaaday Kigaali, caasimadda Rwanda iyadoo lagu aqoonsaday in dhalinyaradu ay kaalin lixaad leh ku leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka ee Afrika.
Kulanka oo labo maalin socday ayaa lagu lafaguray dhaqamada iyo xalka ugu wanaagsan ee loo heli karo caqabadaha maareynta doorashooyinka qaaradda.
โ€œDoorashooyinkani waxaa ay sida muuqata fursado weyn u fidinayaan dhallinyarada Afrika si ay u yeeshaan awoodda ay saameyn ugu yeelan karaan geeddi-socodka dowladnimo. Hase yeeshee, waxaa aan ka ahayn waddamo dhowr ah, ka qayb qaadashada dhallinyarada ee geeddi-socodka dimuqraaddiyadda waxaa uu kaliya ku yahay oo kaliya codaynta xilliga doorashooyinka,โ€ ayay Danjire Minata Samate Cessouma oo ah Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda ee Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay Addis Ababa ayuu shirka oo Khamiistii furmay sidaa ka sheegtay.
โ€œXaaladaha noocaasi xitaa, ka qayb qaadashada dhallinyarada ee hannaanka siyaasaddaย  waa mid aad u hooseysaa, xitaa waa mid ka hooseysa midda dadka daโ€™da ah,โ€ ayay raacisay iyadoo ka hadleyso arrimo hore oo la xidhiidha garbinta dhalinyarada ee dhinaca hannaanka dimuqraadinimo.
Soomaaliya oo doorashadeeda qabatay Febraayo 2017-ka oo madaxweyne cusub lagu caleemo saaray ayaa sidoo kale madasha lagu matalayey.
Xubno ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaaminayso guddoomiso, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa kulanku ku tilmaamtay mid wax ku ool u ah arrimaha doorashooyinka. Guddiga oo ay ka qaybgalkooda Kigaali u fududeysay Howgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa casharro muhiim ah ka soo qaatay khibradda doorashooyinka ee waddamada kale xilli ay Soomaaliya isku diyaarinayo in ay doorasho qabato 2020/2021 oo ah doorasho qof iyo codkiisa.
โ€œSanadka 2016-kii waxaan qabannay doorasho dadban. Ma ahayn doorasho qof iyo codkiisa ah. Hase yeeshee waxaa ay ahayd mid afgarad iyo heshiis lagu dhisay. Waxaa ay ahayd doorasho noocaasi ah. Run ahaantiina haweenka iyo dhallinyarada waa ay is abaabuleen, bulshada rayidka ah iyo xubnaha kale ee bulshadana way na taageereen. Waana aragnay natiijooyinka sababtoo ah 275 xubno ee baarlamaanka hadda, 74 ka mid ah waa dhallinyaro. Marka qayb ayay ka yihiin,โ€ ayay tiri Marwo Xaliima iyadoo carrabka ku adkeeysay sida Soomaaliya ay uga goโ€™an tahay ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee geeddi-socodka talada waddanka.
Marwo Xaliimo ayaa Midowga Afrika ugu baaqday in Guddiga Doorashooyinka (NIEC) ay ka taageerto hirgelinta qorshaha istaraatijiyadeed ee shanta sano ah ee guddiga; iyo tababaridda masโ€™uuliyiinta guddiga ka hor inta aan la gaarin doorashada heer caalamiga ah ee la qorsheeyey.
Diktoor Daahir Jibriil oo ah Xog-Hayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada dhallinyarada geedi-socodka doorashooyinka Afrika, si loo yareeyo kacdoonka. Wuxuu sharraxaad ka bixiyay in Soomaaliya, qayb dhallinyarada ka mid ah ay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay u adeegsato sidaย  โ€œqalab loogu talagalay rabshadahaโ€.
โ€œโ€˜Al-Shabaabโ€™ afka Carabiga waxaa loola jeedaa โ€˜dhallinyaroโ€™. Markii dhallinyarada aysan ku mashquulsaneyn waxyaabaha waxtarka leh, marka dhallinyarada aysan qayb ka ahayn geeddi-socodka, marka dhallinyarada aan la shaqaalaysiinin, marka dhallinyarada aysan ku jirin dugsiyo wanaagsan, tani ayaa ah waxa dhici kara,โ€ ayuu yiri Diktoor Daahir.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in marka la eego xaaladda Soomaaliya in ay muhiim tahay โ€œin ay dhallinyarada ka qayb qaataan siyaasadda, doorashooyinka, shaqooyinka, fursadahaโ€.
Ku lug lahaanshahaas ballaaran oo kale ee dhalliyaradu wuxuu u baahan yahay waxbarasho madani oo heer sare ah sida uu qabo Diktoor Daahir. โ€œDhibaato culus ayay ku tahay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Sidoo kalena dhibaato culus ayay ku tahay guud ahaan Soomaaliya, in la xaqiijiyo in dhallinyaradani ay ku lug lahaadaan doorashooyinka 2020. Waxaana abuuraynaa barnaamij ballaaran oo ku saabsan waxbarashada madaniga ah, oo ay ka mid tahay abuurista manhaj qaran kaasoo laga dhaqan gelin doono dugsiyada ilaa heer jaamacadeed,โ€ ayuu yiri.
Maadaama dadweynaha badankoodu ay yihiin dhallinyaro, Midowga Afrika wuxuu aqoonsan yahay dowrka dhallinyarada ay ka ciyaari karaan in ay gacan ka geystaan geedi-socodka doorashooyinka iyo siyaasadda Afrika. Waqtigan xaadirka ah, in ka badan 65% oo ka mid ah tirada guud ee 1.2 bilyan ee dadweynaha Afrika daโ€™doodu waxaa ay ka hooseysaa 35 sano. Intaa waxaa dheer, sanadka 2020, waxaa la qiyaasay in 3 ka mid ah 4 qof oo walba oo Afrikaan ah ay daโ€™doodu noqon doonto 20 sano jir.
Iyadoo la aqoonsaday awoodda dhallinyarada ay u leeyihiin isbeddel ku sameeyaan horumarka siyaasadeed iyo bulsho-dhaqaale ee Afrika, Midowga Afrika iyo Madaxda Dowladaha ayaa ugu dhawaaqay 2017 sannadkii โ€œKa faaโ€™iidaysiga qaybaha kala duwan ee bulshada iyada oo loo marayo maalgelinta dhallinyarada.โ€
Midowga Afrika sidaa darteed wuxuu dhiirigelinayaa ka qayb qaadashada dhallinyarada hannaanka goโ€™aan qaadashada iyo kuwa kale, in dhallinyarada ay isku soo sharraxaan boosaaska iyo in meesha laga saaro caqabadaha nugleyn karo dhallinyarada inta lagu jiro doorashooyinka.
Prof. Attahiru Jega oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Nigeria, oo hadal muhiim ah ka jeediyay madasha, ayaa xusay in dhallinyarada Afrikaanka ah loo baahan yahay in kobciyo, oo caqabadaha haysta sida waxbarasho laโ€™aanta, shaqo laโ€™aanta baahsan iyo ka takooridda in ay ka qayb qaataan geedi-socodka siyaasadeed wax laga qabto.
Mudane Robert Gerenge oo ah La Taliyaha Sare ee Guddiyada Maareynta Doorashooyinka oo ku jira Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in taageerrada uu Midowga Afrika u fidinayo Soomaaliya ay hoos imaaneyso nabad-ilaalinta AMISOM, oo uu Midowga Afrika saaran yahay masโ€™uuliyad in uu Soomaaliya ka horumariyo xasilloonida, uuna taabbageliyo soo celinta iyo horumarinta dimuqraaddiyadda waddanka.
โ€œWaxaa aan ognahay in ay jiraan shaqo badan oo loo baahan yahay in laga qabto Soomaaliya sababta oo ah dalka waxaa uu weli ku jiraa wejiyada hore ee dhismaha dimuqraaddiyadiisa. Guddiga Doorasha waa mid weli tabar daran una baahan taageero badan. Midowga Afrikana waxaa uu leeyahay masโ€™uuliyad ku xusan Qodobka 18-aad ee Heshiiska Afrika ee dhinaca Dimuqraaddiyadda, Doorashooyinka iyo Maamulka si loo bixiyo taageerradan iyo in xubnaha ka tirsan Midowga oo ay Soomaaliya ka mid tahay loo fidiyo fursado in ay codsan karaan nooc waliba oo kaalmo dhinaca doorashooyinka,โ€ ayuu yiri Mudane Gerenge.

โ€œWaa arrimahan dartood ayaan iskaashi la sameyneynaa Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya,โ€ ayuu intaasi ku daray.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

February 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026

Kulanka Kigali waxaa uu ka duulayey mowduuca ah โ€œKa faaโ€™iideysiga qaybaha kala duwan ee bulshada iyada oo loo marayo sare u qaadista ka qaybgalka dhallinyarada ee geeddi-socodka doorashooyinka ee Afrikaโ€.

Previous Post

Madaxweyne Roberta Mogaabe oo ka soo horjeestay baaqa iscasilaadda

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซe ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐š๐ฅ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š โ€œ๐๐š๐š๐๐ข๐ ๐จ๐จ๐›๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐šโ€

February 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga โ€œBaadigoobkii Nabadda Geeska Afrikaโ€,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

February 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

February 12, 2026
0

Maanta waxaa si rasmi ah looga daahfuray Magaaladda Nairobi Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya-Kenya iyo Qurbajoogta (Somalia-Kenya and Diaspora Trade Week),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In