Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean Conference (OOC11), oo ka furmay magaalada Mombasa.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in baddu ay laf-dhabar u tahay dhaqaalaha iyo mustaqbalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta badaha iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.
Sidoo kale, waxa uu ku dhawaaqay ballanqaadyada Soomaaliya ee la xiriira xoojinta amniga badda, la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta deegaanka xeebaha, iyo soo jiidashada maalgashi caalami ah si loo horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.











