Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gaadiidka G/ Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Dekedaha iyo Badda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Guddiga Gaadiidka G/ Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Dekedaha iyo Badda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay, ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ; Mudane Abdillahi Ahmed Jaamac (Ilkajiir) oo ay weheliyaan Wasiiru dawlaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad), ayaa masuuliyiinta Wasaaradda looga dhageystay shaqada Wasaaradda ka socota oo ay ugu horreeyaan dib udhiska lagu ballaadhinayo dekedda Muqdisho, Wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekedda Muqdisho, sidoo kale qorshayaasha guud ee Wasaaraddu adeeggeeda ku fidinayso dhammaan Maamul Goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa suaalo oraaheed waydiiyey masuuliyiinta Wasaaradda sidoo kalena u muujiyey inay diyaar u yihiin inay wasaaradda kala shaqeeyaan meel kasta oo ay caqabad kasoo waajahdo.

Arrimaha aadka loo dul istaagay waxa ka mid ah sidii loo dhiirrigelin lahaa dhisidda ama yagleelidda dekedo kuwaas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha, sidoo kale in la helo waddooyin ka baxa dekedaha dalka kuwaas oo isku xidha dekedaha iyo dalka intiisa kale amma waddamada jaarka. Iyo ugu dambayntii in heshiiska Shirkadda Albeyrak wasaaraddu hoos u eegto lana hubiyo in la fuliyey dhammaan qodobbadii lagu heshiiyey 2013 kii.

kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan ayaa loo ballamay in kormeer lagu sameeyo Dekedda Muqdisho, Dekedda qallalan (Dry Port) ee ku taalla aagga garoonka, iyo sidoo kale dekedaha kale ee dalka.

Previous Post

R/Wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeeray Wasaaradda ganacsiga 

Next Post

Ciidanka Amniga oo soo gabagabeeyay wararkii xarunta Gobalka Banaadir 

Next Post
Ciidanka Amniga oo soo gabagabeeyay wararkii xarunta Gobalka Banaadir 

Ciidanka Amniga oo soo gabagabeeyay wararkii xarunta Gobalka Banaadir 

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In