Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Gurmadka fatahaadaha oo shaaciyay in xaaladda Beladweyne ay tahay mid halis ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 28, 2019
in Wararka
0
Guddiga Gurmadka fatahaadaha oo shaaciyay in xaaladda Beladweyne ay tahay mid halis ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha Guddiga Gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xaaladda magaalada Baladweyne ay tahay mid halis ah.

Guddoomiyaha Guddiga oo ah Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in roobabkii da’ay ay xaaladdu ugu sii dareen, kuwaas oo sababay in uu xirmo garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Guddiga waxa ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa Dadka walaalahooda ah ee halkaa ku dhibaataysan, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray sganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo Gobollada ku dhow-dhow in ay gurmad uu raashiin ugu horreeyo la gaaraan.

Xubnaha Guddiga waxa ay sheegeen in Gurmadka uu ku billowday dar-dar, xooggan islamarkaana ay Dowladdu Gurmadkii ugu horreysay gaarsiiyeen Shalay Beledweyn, Maantana ay guddiga la kulmeen hay’adaha gargaarka oo ay ugu horeeyaan kuwa Qaramada Midoobay.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in haatan uu gargaar Raashiin ah ka imaanaya Gaalkacyo kuna soo wajahan yahay Magaalada Beledweyn, Maantana ay billowdeen gurmad Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Guddiga ayaa faray in cidkasta oo dhibaatooyinka ka dhacay gargaar ku  Uruurinaysa ay iyaga la wadaagaan, ciddii aan soo marinna ay la xisaabtami doonaan, iaygoo sheegay in ay samayn doonaan Maxkamad guur-guurta oo ay ugu tala galeen Dadka musuq ku samaysa deeqaha loogu tala galay Qoysaska ay fatahaaddu saamaysay.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Oo Furay Xafiiska Isku-duwidda Qorshaha Xalka Waara ee Barakacayaasha+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Ergayga Gaarka Ee Qaramada Midoobay u Qaabishan Caruurta iyo Xasarada Hubeysan “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Ergayga Gaarka Ee Qaramada Midoobay u Qaabishan Caruurta iyo Xasarada Hubeysan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Ergayga Gaarka Ee Qaramada Midoobay u Qaabishan Caruurta iyo Xasarada Hubeysan "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In