Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bayaan ka soo saaray Doorashooyinka Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bayaan ka soo saaray Doorashooyinka Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo ka duulaya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 17 Seebteembar 2020 oo ay si wadajir ah u meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka 1dii Oktoobar 2020. Heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa habka iyo qabsoomidda doorasho ka dhacda wadanka iyo dhismaha guddiyo doorasho.

Guddigu isagoo ka amba qaadaya heshiiskaas tan iyo waqtigii la magacaabay waxaa u qabsoomay hawlo muhiim u ah, sida doorashada hoggaanka guddiga iyo guddi-hoosaadyadiisa, tababaridda iyo maamul u sameynta guddiyada heer Dowlad Goboleed, diyaarinta habraacyada doorashada, kulamo kala duwan oo guddigu la yeeshay qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo wakiillada beesha caalamka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

August 2, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026

Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada.

Haddaba iyadoo waddanku uu ku jiro xaalad doorasho, ayna sarrayso diyaar garowga loogu jiro doorashada, guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay in ay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.

Guddiga wuxuu xasuusinayaa in mas’uuliyadda fududaynta qabsoomidda doorashadu si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran, si guddigu howlihii loo igmaday u guto.

Guddigu, wuxuu ugu baaqayaa murashaxiinta danaynaya in ay u tartamaan xilalka siyaasadeed ee dalka in markasta ay ololahooda ku saleeyaan bed qabka, xasiloonida dalka iyo u turista shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah hab dhaqanka wanaagsan ee muwaadinka, waafaqsanna xeerka anshaxa doorashada.

Guddigu, wuxuu bogaadinayaa dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.

Ugu dambayn, guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in uu guddigu diyaariyey habraacyadii doorashada ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran  17kii Sebteembar 2020.

Halkan ka akhriso

Previous Post

Jaamacadda Somaville oo heshiish waxbarashada oo heerka labaad ah la gashay Jaamacad ku taala dalka Bangladesh “SAWIRRO”

Next Post

Puntland iyo Jubaland oo magacaabay guddiga doorashada dadban ee heer dowlad goboleed

Next Post
Puntland iyo Jubaland oo magacaabay guddiga doorashada dadban ee heer dowlad goboleed

Puntland iyo Jubaland oo magacaabay guddiga doorashada dadban ee heer dowlad goboleed

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda iyo...

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn uga qayb galay aaska loo sameeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In