Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo war kasoo saaray shirkii Samareeb 4.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Shirka madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo maanta ka furmayo Magaalada Samareeb.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa in ay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaas oo baarlamaankuna ku meel mariyey hindise sharciyeed qeexaya sida lagu soo dooranayo xubnaha Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Wuxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Guddigu wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dhinacyadii isku hawlay xallinta khilaafka, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeedinayaa shacabka iyo maamulka Galmudug oo xil iyo si geesinimo leh dhabarka ugu ritay hawsha adag ee shirarkii Samareeb 1 ilaa 4.

Guddigu wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa beesha calaamka oo garab taagan Soomaaliya, kuna gacan siinaysa sidii ay dhibaatooyinkooda u xalisan lahaayeen, ayna ku caawiyaan dowlad dhisidda iyo xal ay gaaraan.

Ugu dambeyntii guddigu, wuxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka.

Haddaba, si wadanku marxaladda uu ku jiro uga gudbo, waxaa uu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay tahay xalka keli ahi fulinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 Sebteembar 2020, Isla markaana guddigu u diyaarsanyahay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo ka dhaca dalka.

Previous Post

Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo.

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo.

Ciidanka Xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In