Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo soo dhaweeyay heshiiska sida wada jirka ah loo saxiisay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo soo dhaweeyay heshiiska sida wada jirka ah loo saxiisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku wuxuu soo dhoweynayaa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ay ka gaareen hannaanka doorashooyinka dalka, heshiiskaas oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Sheekh Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed (Laftagaren), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxuud Maxamed Filish.

Heshiiskan ayaa kusoo aaday xilli muhiim ah oo baahi weyn loo qabo in dalka doorasho ka dhacdo.

Related posts

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026

Guddigu wuxuu u mahad celinayaa Golaha wadatashiga Qaran, bulshada Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay xallinta iyo dhammeystirka caqabadaha, kasoo noqday heshiiskii 17 Sebteembar 2020.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ka codsanayaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada shaqeeyaan sidii heshiiskani u guulaysan lahaa, si wadanka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana lagu wada qanacsanyahay.

Guddigu wuxuu horeba dadaal xoogan ugu bixiyay diyaarinta dhammaan habraacyadii iyo xeerarkii hagi lahaa hannaanka doorashada 2021.

Previous Post

DAAWO: Sawirrada xafladda xeritaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka ee la soo gabo gabeeyay

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 30 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 30 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In