Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Isgaarsiinta Ee Baarlamaanka Dalka Oo Tababar Ugu Soo Xirmay Nairobi- SAWIRRO 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddiga Isgaarsiinta Ee Baarlamaanka Dalka Oo Tababar Ugu Soo Xirmay Nairobi- SAWIRRO 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani oo ka soconayey  3-dii Cisho ee la soo dhaafay magaalada Nairobi   ayaa waxaa soo qabanqaabiyay bangiga aduunka, iyadoo lagu falanqeynayey sidii loo meel marin lahaa hindise sharciyeedka isgaarsiinta dalka oo haatan horyaala baarlamaanka Soomaaliya .

waxaana ka soo qayb galay tababarkani wasiir ku xigeenka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta jamaal Xasan Ismaaciil, guddoomiyaha guddiga isgaarsiinta baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiye ku xigeenka guddiga isgaarsiinta baarlamaanka Cabdikaafi Macalin Xasan, Garyaqaanka guud ee Qaranka Cismaan Cilmi Guuleed iyo Xildhibaanada guddiga isgaarsiinta ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka socotay bangiga aduunka, iyo khubaro kale.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Guddoomiye ku xigeenka guddiga isgaarsiinta baarlamaanka Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa ka warbixiyay tababarkani iyo waxyaabaha ay ka faa,ideysteen,  isagoo sheegay inay fursad u tahay gudi hoosaad-yada baarlamaanka aqoon kororsiga noocan oo kale ah.

Dhanka kale Garyaqaanka guud ee Qaranka mudane Cismaan Cilmi Guuleed ayaa dhankiisa tilmaamay ujeedada ka dambeysay Tababarkani qabsoomidiisa, in ay tahay sidii xildhibaanada Soomaaliya fikrad looga siin lahaa hindise Sharciyeedkani.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta mudane jamaal Xasan Ismaaciil ayaa soo xiray tababarka isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in sharciyad loo sameeyo isgaarsiinta wuxuuna aad ugu mahadnaqay dadkii ku hawlanaa mudadii burburka horumarinta isgaarsiinta dalka isagoo intaasi ku sii daray in sharcigani uu isku xidhi doono isgaarsiinta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed .

IMG_0206 IMG_0207 IMG_0208 IMG_0209 IMG_0210 IMG_0211 IMG_0212 IMG_0213 IMG_0215 IMG_0217 IMG_0218 IMG_0219 IMG_0220 IMG_0221 IMG_0222 IMG_0234 IMG_0235 IMG_0236 IMG_0237 IMG_0238 IMG_0239 IMG_0242 IMG_0243 IMG_0244 IMG_0245

Sawir Qaade:-Cabdiraxmaan Cumar Cabdi ( Cabdiraxmaan Soomaali ) Warbaahinta Qaranka Nairobi Kenya 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Salah “Waxaan farayaa shirkadaha dhismaha in ay xuquuqda naafada ilaaliyaan” “Sawirro”

Next Post
Wasiir Salah “Waxaan farayaa shirkadaha dhismaha in ay xuquuqda naafada ilaaliyaan” “Sawirro”

Wasiir Salah “Waxaan farayaa shirkadaha dhismaha in ay xuquuqda naafada ilaaliyaan” "Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In