Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta arrimo muhiim ah ka hadlay+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta arrimo muhiim ah ka hadlay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Amniga iyo taakuleynta dadka ay saameynta ku yeesheen Fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shir Guddoominayay Kullanka,waxaana mudada uu socday diirada lagu saaray diyaarinta agendaha kullanka Guud ee Golaha oo uu beri yeelanyo,kaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare lagu horgeyn doono go’aanada maanta ka soo baxay.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir” ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kullanka maanta ee Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ay isugu yimaadeen.

“ Kullanka maanta ee Guddiga joogtada ah Golaha Aqalka sare waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha Amniga,taakuleyntii Gobolka Hiiraan Masiibadii ka dhacday,waxaa sidoo kale looga hadlay kullanka xeer hoosaadka Golaha,waxaana rajeynaa agendayaashaasi in beri la horgeyn doono Xildhibanaada Golaha Aqalka sare,waana la isku afgartay qorshaha beri looga doodi doono kullanka guud ee Golaha Aqalka sare,” ayuu yiri Senator Nadiir.

Wuxuu sheegay Senator Nadiir in dhowaan Golaha Aqalka sare Guddiga u saaray arrinta Fatahaada wabiga Shabeelle iyo taakuleynta dadka waxyeelada soo gaartay,waxayna guddiga warbixin ay soo uruuriyeen u gudbiyeen Guddiga joogtada ah si beri loogu daro agendaha kullanka Guud.

Arrimaha Amniga Guddiga joogtada ah waxay diirada saareen Amniga Guud ee dalka iyo midka Golaha Aqalka sare oo isku afgarteen in sare loo qaado.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dar dar gelinaya fududeynta howlaha muhiimka ah ee horyaala Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta kormeeray xarunta Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Deeq gaarsiiyey Qaar kamid Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Duleedka Caasimadda.

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Deeq gaarsiiyey Qaar kamid Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Duleedka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Deeq gaarsiiyey Qaar kamid Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Duleedka Caasimadda.

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In