Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Joogtada ah oo warbixin ka dhageystay Guddi xog ka soo diyaariyay Xabsiga Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddiga Joogtada ah oo warbixin ka dhageystay Guddi xog ka soo diyaariyay Xabsiga Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn kulanka Guddiga ayaa warbixin looga dhageystay guddi gaar ah oo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u xilsaaray kasoo talo bixinta hay’adaha madaxa banaan oo hore Xildhibaannada Golaha Shacabka uga doodeen kulan weynaha Golaha waxaana Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu xubnaha Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixin dhowr bog ka kooban oo ku saabsan doodihii iyo aragtiyadii xildhibaanadda iyo sidoo kale talo soo jeedinta guddiga.

Related posts

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026

Sidoo kale guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiyada ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa uu la wadaagay faahfaahinta warbixinta xaaladda xabsiyada dalka, marxaladda ay ku suganyiyiin maxaabiista, baahiyaha xabsiyada ka jira, mudaddii ay shaqeynayeen dhinacyadii ay la kulmeen, booqashooyin ay xabsiyada ku tageen iyo waxyaabihii kala kulmeen.

Dhinaca kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday Ajandeynta kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana warbixino looga dhageystay guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah guddiyada Golaha, xubnaha Guddiga Joogtada ayaana ansixiyey fadhiyada Golaha ee todobaadka soo socda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha Guddiga Joogtada iyo sidoo kale guddiyada gaarka ah ee warbixinada kasoo diyaariyay arrimaha xabsiyada iyo hay’adaha madaxa banaan, wuxuuna sheegay in warbixinada ay soo gudbiyeen la Ajendayn doono si ajendayaasha kulamada guud ee golaha loogu daro










Previous Post

Golaha Wasiirrada oo Meelmariyay Heshiis dhaxmaray Soomaaliya iyo Shiinaha 

Next Post

Ciidamo boolis ah oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Next Post
Ciidamo boolis ah oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Ciidamo boolis ah oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In