Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda oo Maanta Yeeshay Kulankoodii ugu Horeeyay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Maalinta Calanka Soomaaliya 12-ka October (Maqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),isagoo ka warbixiyay, asagoona sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu ku aaddan yahay, ayadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano;

“Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo”.

Wasiir Maareeye, guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan farxadda wayn ee lixdan guurada maalmaha xoriyadda iyo xuska labaatan guurada dib u dhisidda dawladnimada maanta jirta.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo 5 Neef geel ah ka Guddoomay bulshada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha oo 5 Neef geel ah ka Guddoomay bulshada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wasiirka Amniga Gudaha oo 5 Neef geel ah ka Guddoomay bulshada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In