Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga qaban-qaabada xuska Maalmaha Xoriyadda oo kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidanka Qalabka Sida.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga qaban-qaabada xuska Maalmaha Xoriyadda oo kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidanka Qalabka Sida.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo looga hadlay u diyaar gorowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex maray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guurada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka Sida waxaana Shir gudoominayey Guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayey guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu layeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil kasocday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Adkaynta Amaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xoriyadda si gaar ahna looga gaashaanto falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan umadda Soomaaliyeed Masuuliyiinta ayaana ku nuuxnuuxsaday Muhiimada ay leedahay in Masuuliyadd layska saarayo goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto Maamuska Ayaamaha Xoriyadda JFS.

Related posts

Madaxweyne Xasan  Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

March 5, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 5, 2026

Dowladda Soomaaliya ayaa udiyaar garawday xuska Todobaadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray heeryadii gumaystaha oo  kabilaabanaysa 26 bisha juun maalintii ay gobolada waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta Xurnimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Goboladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aasaasay dowladii iyo  ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey iyo darwalkii waday.

Next Post

Madaxweeyne Deni iyo wafdi uu hor kacayo oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Bari

Next Post
Madaxweeyne Deni iyo wafdi uu hor kacayo oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Bari

Madaxweeyne Deni iyo wafdi uu hor kacayo oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Bari

Madaxweyne Xasan  Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku maamuusay kulan afur

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan af-fur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 5, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In