Xeerka Istaatistikada Soomaaliya waxaa ku dul xusan, sida Dhismaha Hay’adda, xubnaha Golaha hay’adda qaabka loo soo xulayo, hanaanka loo aruuriyo Xogta dalka, iyo talaabooyin kale oo horutabin u leh dalkeena.
Kulan howleedkan waxaa ku sugnaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Fahma Axmed Nur,Xoghyaha joogta iyo Agaasimaha Guud ee Istaatstikada.
Agaasimaha guud Istaatiskada Mudane Cabdulraxmaan Daahir Cumar iyo Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa Guddiga u sharaxay Ahmiyaddaha xeerkan muhiimada siinayo, waxa uu inoo sahli doonaa helid xog sugan oo dalka dhinaca walbo laga eegay, tusaale ahaan Kobacaha Dhaqaalaha, xoggaha Arrimaha bulshada iyo heerka shaqa la,aanta iyo qodobo kale oo muhiim.
Guddiga Qorsheynta iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS oo shaqo wanaagsan ka wado hanaanka sharcigan loo dhameystiri lahaa kaas oo horyaalo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada-oo ay xildhibaanada ay dul istaagayaan qodobada sharciga ku jira, kaas oo Soomaaliya u horseedi doona hanaanka aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.