Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda.
Kulankan oo qeyb ka ah la-tashiyada guddiga Wasiirradu la leeyihiin qeybaha bulshada iyo saamilayda siyaasadda ayaa looga wadatashaday arrimaha saamaynta ku leh masiirka dalka ee Difaaca midnimada dhuleed, madax-bannaanida iyo gobonnimada Jamhuriyadda, La-dagaallanka iyo ciribtirka Khawaarijta, Dhamaystirka dastuurka, Doorashooyinka iyo xaaladda abaaraha dalka ka jira











