Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS oo guddooon cusub doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddiga Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS oo guddooon cusub doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay doorashada Guddoonka Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaannada ee Golaha Shacabka oo ka dhacday xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxa ay xubnaha guddiga si wadar ogol ah guddoomiyaha guddiga ugu doorteen Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Related posts

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

January 5, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

January 5, 2026

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa ,Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaannada ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) oo doorashadiisa ka dib hadal kooban jeediyay ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga oo si wadajir ah ugu codeeyay iyo guddoonka golaha Shacabka.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo marka hore u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa ,Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaannada ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu kula dardaarmay inuu dar dargeliyo shaqada guddiga, isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen guddoomiyaha cusub ee guddiga.







Previous Post

Wasir Maareeye “Waxaan Qudaar iyo lacag gaarsiinay dhaawacyada weerarkii khawaarijta ee Liido”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo la hadalay Radiomuqdisho ayaa sheegay inay ku guulaysteen dadaalo ay mudooyinkaan wadeen kuwaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

January 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku...

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In