Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa shalay oo 14-kii bishan ah u tegay safar shaqo magaalada Kigali, ee dalka Rwanda si ay u turxaan-bixiyaan xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah arruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safarkaan shaqo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshentna, Maalgashiga iyo Horumirinta Dhaqaalaha ayaa inta uu socdo guddigu ku dersi doonaan shuruuc kale sida habraaca miisaaniyadda, isla-xisaabtanka iyo doorka tirakoobka ay ku leedahay qoondadda miisanyidda.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Maanta oo ahayd bilowgii safarka shaqo ayaa guddigu soo booqday Machadka Istaatistikada Qaranka dalka Rwanda iyo xarunta Baarlamaanka Rwanda, halkaas oo uu kula yeeshay kulamo guddiga dhiggiisa ah iyo madaxda machadka.

Safarkaan shaqo ayaa dhanka Wasaaradda waxaa hoggaaminaya Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Xildhibaan Fahmo Axmed Nuur oo ay wehiliyaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasima Guud ee Agaasinka Istaatistikada.

Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta , Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Siraaji ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ee safarkan shaqo uu yahay turxaan bixinta xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee horyaalla Golasha Shacabka oo muhiimad wayn u leh dalkeena.

“Muhiimada ayaa ah in aan  durusno xeerka Istaatisikada Soomaaliya, annaga oo eegayna kan dalka Rwanda si aan ugu qaadano aragti iyo waayo aragnimo ah, guddiiga kale ee dhigeena wax ay noo soo bandhigeen Miisaaniyadda dalkan Rwanda iyo hanaanka loo diyaariyay sida korjoogteynta, xisaab  xirka, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka dalka wax ay qaadatay talaabo wanaagsan oo aan ku odarasnay  ahmiyadd xeerka Istaatikada u leeyahay dalka.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Siraaji guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.

Wasiir Fahma Axmed Nur ayaa bogaadisay guddiga, iyada-oo diiradda saartay sida ay u kala faa’iideysan lahayeen hay’addaha sharci dejinta dalka Rwanda iyo kan Soomaaliya.

Inta  ay ku suganyahiin guddiiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda  Soomaaliya ayaa  fiiri doona  xeerka Istaatistikada, heygalkiisa iyo gunta hoose sharciga ahmiyadda dalka u leeyahay.

 

 

 

Previous Post

Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In