Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa shalay oo 14-kii bishan ah u tegay safar shaqo magaalada Kigali, ee dalka Rwanda si ay u turxaan-bixiyaan xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah arruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safarkaan shaqo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshentna, Maalgashiga iyo Horumirinta Dhaqaalaha ayaa inta uu socdo guddigu ku dersi doonaan shuruuc kale sida habraaca miisaaniyadda, isla-xisaabtanka iyo doorka tirakoobka ay ku leedahay qoondadda miisanyidda.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Maanta oo ahayd bilowgii safarka shaqo ayaa guddigu soo booqday Machadka Istaatistikada Qaranka dalka Rwanda iyo xarunta Baarlamaanka Rwanda, halkaas oo uu kula yeeshay kulamo guddiga dhiggiisa ah iyo madaxda machadka.

Safarkaan shaqo ayaa dhanka Wasaaradda waxaa hoggaaminaya Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Xildhibaan Fahmo Axmed Nuur oo ay wehiliyaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasima Guud ee Agaasinka Istaatistikada.

Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta , Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Siraaji ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ee safarkan shaqo uu yahay turxaan bixinta xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee horyaalla Golasha Shacabka oo muhiimad wayn u leh dalkeena.

“Muhiimada ayaa ah in aan  durusno xeerka Istaatisikada Soomaaliya, annaga oo eegayna kan dalka Rwanda si aan ugu qaadano aragti iyo waayo aragnimo ah, guddiiga kale ee dhigeena wax ay noo soo bandhigeen Miisaaniyadda dalkan Rwanda iyo hanaanka loo diyaariyay sida korjoogteynta, xisaab  xirka, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka dalka wax ay qaadatay talaabo wanaagsan oo aan ku odarasnay  ahmiyadd xeerka Istaatikada u leeyahay dalka.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Siraaji guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.

Wasiir Fahma Axmed Nur ayaa bogaadisay guddiga, iyada-oo diiradda saartay sida ay u kala faa’iideysan lahayeen hay’addaha sharci dejinta dalka Rwanda iyo kan Soomaaliya.

Inta  ay ku suganyahiin guddiiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda  Soomaaliya ayaa  fiiri doona  xeerka Istaatistikada, heygalkiisa iyo gunta hoose sharciga ahmiyadda dalka u leeyahay.

 

 

 

Previous Post

Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxa Fulinta Galmudug "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In