Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiggii colaada Guriceel oo sheegay in ay meel wanaagsan u marayso howlaha nabadeynta ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Heshiis xabadda joojin ah oo laga gaaray dagaalkii Guriceel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigga loo saaray dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dhinacyadii ku dagaalamaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee barrtamaha Soomaaliya ayaa maanta ka warbixiyay howlihii dhex dhexaadinta ahaa ay halkaasi ka sameynayeen maalmihii la soo dhaafay.

Maxamed Axmed Caalim oo ah Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug isla markaana ah gudoomiyaha guddigga nabadeynta dagaalkii Guriceel oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howsha nabadeynta ah meel wanaagsan u marayso isla markaana labadii garab ee ku dhowaan ku dagaalamay deegaanka Guriceel ay ka ogolaadeen in ay xabadda joojiyaan si shuruud la’aan ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Guddoomiye Caalim ayaa intaa ku daray in talaabadda xigta oo ay hadda wadaan ay tahay sidii dadkii magaalada ka cararay dib ugu soo laaban lahaayeen guriyahooda maadaama ay ku dhibaataysan yihiin meelaha howdka ah.

“Waxaan ku dadaalaynaa sidii qof Soomaali ah mar kale uusan dagaal ugu dhiman la aheyn anganoo Ilaah talo saaranayna, dadka deegaanka si wanaagsan ayay soo dhaweeyeen waad u mahadcelinayaa” ayuu yiri Guddoomiye Caalim.

Guddoomiyaha guddigga dib u heshiisiinta nabadeynta dagaalkii Guriceel Maxamed Axmed Caalim ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u direy dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada gobolada dhexe in ay yimaadaan isla markaana ka qeyb qaataan howlaha nabadeynta ah.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo baaq u jeediyay maleeshiyaadka ay qaldeen kooxda Shabaab

Next Post

Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In