Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiggii colaada Guriceel oo sheegay in ay meel wanaagsan u marayso howlaha nabadeynta ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 15, 2015
in Wararka
0
Heshiis xabadda joojin ah oo laga gaaray dagaalkii Guriceel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigga loo saaray dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dhinacyadii ku dagaalamaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee barrtamaha Soomaaliya ayaa maanta ka warbixiyay howlihii dhex dhexaadinta ahaa ay halkaasi ka sameynayeen maalmihii la soo dhaafay.

Maxamed Axmed Caalim oo ah Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug isla markaana ah gudoomiyaha guddigga nabadeynta dagaalkii Guriceel oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howsha nabadeynta ah meel wanaagsan u marayso isla markaana labadii garab ee ku dhowaan ku dagaalamay deegaanka Guriceel ay ka ogolaadeen in ay xabadda joojiyaan si shuruud la’aan ah.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Guddoomiye Caalim ayaa intaa ku daray in talaabadda xigta oo ay hadda wadaan ay tahay sidii dadkii magaalada ka cararay dib ugu soo laaban lahaayeen guriyahooda maadaama ay ku dhibaataysan yihiin meelaha howdka ah.

“Waxaan ku dadaalaynaa sidii qof Soomaali ah mar kale uusan dagaal ugu dhiman la aheyn anganoo Ilaah talo saaranayna, dadka deegaanka si wanaagsan ayay soo dhaweeyeen waad u mahadcelinayaa” ayuu yiri Guddoomiye Caalim.

Guddoomiyaha guddigga dib u heshiisiinta nabadeynta dagaalkii Guriceel Maxamed Axmed Caalim ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u direy dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada gobolada dhexe in ay yimaadaan isla markaana ka qeyb qaataan howlaha nabadeynta ah.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo baaq u jeediyay maleeshiyaadka ay qaldeen kooxda Shabaab

Next Post

Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In