Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiyada Arrimaha Bulshada iyo Gaadiidka Golaha Shacabka oo ku baaqay in la joojiyo Qaadka laga keeno dalalka deriska ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Guddiyada Arrimaha Bulshada iyo Gaadiidka Golaha Shacabka oo ku baaqay in la joojiyo Qaadka laga keeno dalalka deriska ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,waxaa ka qeyb galay guddiyada Arrimaha Bulshada,Gaadiidka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Ajendaha Kulanka waxa uu ahaa saameynta iyo Khatarta Cudurka Coronavirus uu ku yeelan karo dalkeena,maadaamaa kiisas cudurkaas ka mid ah laga helay dalalka Kenya iyo Ethiopia oo labadaba deris la ah Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Jowhar ayaa ku baaqay in Shacabka looga baahan yahay taxadar Badan oo ay ka mid tahay in gebi ahaanba la joojiyo Qaadka dalka ka soo galaya dalalka deriska ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Kulanka ka qeyb galay ayaa sidoo kale ku baaqay in la Joojiyo wax walba oo dadka Soomaaliyeed dhibaato u keeni Kara.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in maadaama ay jirto cabsi laga qabo cudurka Coronovirus-ka, islamarkaana kiisas ka mid ah laga helay dalalka deriska la ah Soomaaliya lagama maarmaan ay tahay in gebi ahaanba la hakiyo Qaadka ka yimaada dalalka deriska nala ah inta laga hubinaayo saameynta khatarta wadata ee uu bulshada Soomaaliyeed ku yaalan  karo,wuxuuna laanta fulinta ka codsaday in ay si deg deg ah talaabo u qaado.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Hoggaanka AMISOM kala wareegay Xarun muhiim ah

Next Post

Duqa Muqdisho oo Taliska AMISOM kala wareegay xarunta bukaan socod eegto ah “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo Taliska AMISOM kala wareegay xarunta bukaan socod eegto ah “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo Taliska AMISOM kala wareegay xarunta bukaan socod eegto ah “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In