Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddomiyaha G/Banaadir oo Sheegay ,in Kubadda Cagta ay Qayb wayn ka qadanyso is-dhex galka Bulshada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddomiyaha G/Banaadir oo Sheegay ,in Kubadda Cagta ay Qayb wayn ka qadanyso is-dhex galka Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cadi Maxamed ayaa hambalyo u diray xulka kubbadda cagta dowlad goboleedka Jubaland oo ku guuleystay tartanka kubbadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Thaabit ayaa u mahadceliyay Muqdishaawiyiinta, howlwadeennada gobolka Benaadir, wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo suurtageliyay in uu tartankaan si guul ah ku soo dhamaaday.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Muddada kooban gudaheed Ayaan ugu diyaar garoownay martigelinta koobka, maxaa yeelay waxaan ku kalsooneyn dadka reer Muqdisho oo martigelinta ku wanaagsan, xaqiiqdiinna waa laga dareemay habsami u socodka tartanka” ayuu yiri Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi.

“Ujeedada ugu weyn ee aan tartankaan ka lahayn waxa ay ahayd inaan dib u soo celnno rajada dadkeena oo aan tusno muuqaalka wanaagsan ee dhallinyaradeenna oo aan dunida u sheegno inaan leennahay dhallinyaro dunida wax la qeybsan kara, taasna waad caddeyseen oo waan idiinkaga mahadcelineynaa”. Ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay kooxaha tartanka ka qeyb galay oo muujiyay ciyaar wanaag, loollan xirfad ku dhisan iyo walaalnimo, waxa uuna ballan qaaday in Muqdisho oo shacabkeeda iyo maamulkeeda wadata ay mar walba diyaar u tahay martigelinta kulamada bulsho.

Markii labaad ayey magaalada Muqdisho martigelisay tartankan oo sabab u noqday isdhex-gal-bulsho isla markaana muujiyay ifafaalo nabadeed dalka ka muujiyay.

Previous Post

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo Sheegtay inay la soo Waregeyso Hawada Soomaaliya

Next Post

Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn cusub ku soo rogtay Dalka K/waqooyi

Next Post
Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn cusub ku soo rogtay Dalka K/waqooyi

Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn cusub ku soo rogtay Dalka K/waqooyi

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In