Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in loo gurmado dadka uu saameeyay fatahaadaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in loo gurmado dadka uu saameeyay fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo garab istaagga Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah u tilmaamay in Hay’adaha dowladda looga baahan yahay in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

“Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan hoy la’aanta, qabowga iyo gaajada oo kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadka iyo gacan qabashada dadkeenna ay saameeyeen Fatahaadda.”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyey abaabulka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen si wax looga qabto waxyeelada ay gaysteen fatahaaduhu, isagoo ku baaqay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda wax ku oolka ah.

Baaqa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan gobollada dalka ay da’een Roobab daadad wata, kuwaas oo ka da’ay Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

 

Previous Post

Waddooyin Laami ah iyo Interlock laga hirgelinayo Suuq Bacaad

Next Post

Qoysas degan Tuulooyinka uu maro Webiga Jubba oo ka Barakacay Guryahooda “SAWIRRO”

Next Post
Qoysas degan Tuulooyinka uu maro Webiga Jubba oo ka Barakacay Guryahooda “SAWIRRO”

Qoysas degan Tuulooyinka uu maro Webiga Jubba oo ka Barakacay Guryahooda "SAWIRRO"

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In