Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed isagoo ku hadlaya magaciisa, kan Guddoonka, Magaca Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka waxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Cabdiqaadir Faarax Axmed (Karaani) oo kamid ahaa Xildhibaannada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle, isla markaana dhawaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo kooxaha argagaxisada ay ku dileen Xaafadda Kulmis ee Degmada Jowhar
Guddoomiye Sheekh Cismaan ayaa yiri “Waxaan tacsida tiiraanyada leh laqeybsanayaa Qoyska ehelka, Asxaabta iyo dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Axmed “Karaani” waxuuna Alle uga baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo”
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay qataraha kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay ka geysan karaan deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Ciidamada ammaanka ayaa baadi goobaya dadkii ka dambeeyay falka dilka ah
INNA LILLAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN