Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kormeeray Isbitaalka  Degmada Balcad

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kormeeray Isbitaalka  Degmada Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, ayaa kormeeray Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka weyn ee Degmada Balcad.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan xubno ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u kuurgalay baahiyaha kala duwan ee ka jira Isbitaalka weyn ee magaaladda Balcad.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Xildhibaan, Xasan Maxamed Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka Hirshabeelle kana mid ahaa wafdiga guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo hay’adda SOS oo gacan ka geystay hirgelinta Isbitaalka, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay doorka isku tashiga ah ee ay ka qaateen bulshada degmada uu isagu matalo ee Balcad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr; Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle inay gacan buuxda ka geysato sidii loo tayayn lahaa Isbitaalka magaalada.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ballan qaaday inuu gunnadiisa qeyb ka mid ah u qoondeyn doono taakuleynta Isbitaalka weyn ee degmada Balcad, isagoo ku boorriyay madaxda kale ee Hirshabeelle inay kaalintooda qaataan

“Waxaan ballan qaadayaa bil walba in qaaraan ka go’o gunnadeyda aan kusoo dari doono Isbitaalka.”

Previous Post

Federal Government Of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Dad ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay waddanka Giriigga

Next Post
Dad ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay waddanka Giriigga

Dad ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay waddanka Giriigga

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In