Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kormeeray Isbitaalka  Degmada Balcad

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kormeeray Isbitaalka  Degmada Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, ayaa kormeeray Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka weyn ee Degmada Balcad.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan xubno ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u kuurgalay baahiyaha kala duwan ee ka jira Isbitaalka weyn ee magaaladda Balcad.

Related posts

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026

Xildhibaan, Xasan Maxamed Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka Hirshabeelle kana mid ahaa wafdiga guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo hay’adda SOS oo gacan ka geystay hirgelinta Isbitaalka, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay doorka isku tashiga ah ee ay ka qaateen bulshada degmada uu isagu matalo ee Balcad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr; Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle inay gacan buuxda ka geysato sidii loo tayayn lahaa Isbitaalka magaalada.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ballan qaaday inuu gunnadiisa qeyb ka mid ah u qoondeyn doono taakuleynta Isbitaalka weyn ee degmada Balcad, isagoo ku boorriyay madaxda kale ee Hirshabeelle inay kaalintooda qaataan

“Waxaan ballan qaadayaa bil walba in qaaraan ka go’o gunnadeyda aan kusoo dari doono Isbitaalka.”

 

Previous Post

Federal Government Of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Dad ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay waddanka Giriigga

Next Post
Dad ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay waddanka Giriigga

Dad ku dhintay shil Tareen oo ka dhacay waddanka Giriigga

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In