Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga qeybgalay Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Uganda.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Uganda oo lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ayaa waxaa sanadkan uu ka gedisnaa sanadihii hore ayadoo goobtana lagu soo bandhigay Baarlamaanka 9aad ee Uganda mudadii uu jiray, waxyaabaha u qabsoomay iyo halka uu hiigsanayo.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Madaxweynaha dalka Uganda Uweri Museveni oo goobta ka jeediyey khudbad dheer ayaa waxa uu ka hadlay hormarka dalkiisa uu gaaray iyo dagaalka ay dalalka gobolka geeska afrika kula jiraan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay in Uganda ay si aad ah uga feejigan tahay xiligan weerarro uga yimaada dhanka argigixisada, sidoo kalena waxa uu xusay in Dowladda Uganda ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka hogaaminayo ayaa u sheegtay warbaahinta in Munaasabadda intii lagu jiray uu Guddoomiye Jawaari la kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada kasoo qeybgalay.

Maalinnimada berrito ah hadii uu Alle idmo waxaa xarunta Baarlamaanka dalka Uganda oo ku taala magaalada Kampala ka dhici doona kulan ay wada yeelan doonaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda kaasi oo quseeya iskaashiga iyo xirirka sii xoogeysanaya ee labada Baarlamaan.

DSC_7089 DSC_7165 DSC_7196 DSC_7206 DSC_7215 DSC_7217 DSC_7227

—-DHAMMAAD—

Previous Post

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo booqday dhaawacyo la keenay Isbitalka Banaadir

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta booqaday Abwaan Sangub oo ku xanuunsanaya Muqdisho

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta booqaday Abwaan Sangub oo ku xanuunsanaya Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta booqaday Abwaan Sangub oo ku xanuunsanaya Muqdisho

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In