Barlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxa horyaalla oo lagu sugayaan in soo doortaan Madaxweynaha cusube ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaas oo ku yimaada habraaca doorasho hufan.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Sooomaaliyeed ayaa manta kulan xafiiskiisa kula qaatay xubno ka socday Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha ee ku midoobay Golaha mushataxiinta.
Xubnaha ka socday Golaha mushataxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha dalka ayaa guddoomiyaha golaha shacabka u soo gudbiyey in doorashadda Madaxweynaha loo sameeyo habraac daahfuran si looga bad-baado mushsuq maasuq iyo wax si dabo marin, in musharaxiintu u sinadaan adeegsiga Warbaahinta Qaranka iyo in doorashadda lagu qabto meel amnigeedu sugan yahay.