Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaardaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda oo ay ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka uu Alle ku maneystay, sidoo kalena waxa uu ku booriyey dalalka Islaamka iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey, Iraq iyo Pakistan, iyadoo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan Sardar Ayaz Sadiq oo ay ka wada hadleen abuuridda iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn oo dhex mara labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo adkeynta danaha Baarlamaannada dunida muslimka ayadoo labada Guddoomiyena ay taasi qalinka ku wada duugeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Baarlamaannada mataannaha ah ee Soomaaliya iyo Tukriga la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Turkiga ee isagu la doortay dhammaadka sanadkii tagay ee 2015 İsmail Kahraman waxaana kulankaasi looga wada hadlay xoojinta shaqada guddiyada labada Baarlamaan u qaabishan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga iyo in la dedejiyo dhismaha gurriga Umadda Soomaaliyeed kaasi oo ay horey u ballan qaaday dowladda Turkiga.

Kulankii ugu dambeeyey waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu dalkiisu marti geliyey sanadkan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo ah Ciraaq Dr Salim Al-Jabouri waxaana kulankaasi looga wada hadlay sidii loo mataaneyn lahaa Baarlamaannada Soomaaliya iyo Ciraaq ayadoo taasina ay labada Guddoomiye hoosta ka wada xariiqeen.

Previous Post

Baarlamaanka oo ka doodaya sharciyo Muhiim ah

Next Post

Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro

Next Post
Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro

Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In