Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaardaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda oo ay ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka uu Alle ku maneystay, sidoo kalena waxa uu ku booriyey dalalka Islaamka iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey, Iraq iyo Pakistan, iyadoo kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan Sardar Ayaz Sadiq oo ay ka wada hadleen abuuridda iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn oo dhex mara labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo adkeynta danaha Baarlamaannada dunida muslimka ayadoo labada Guddoomiyena ay taasi qalinka ku wada duugeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Baarlamaannada mataannaha ah ee Soomaaliya iyo Tukriga la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Turkiga ee isagu la doortay dhammaadka sanadkii tagay ee 2015 İsmail Kahraman waxaana kulankaasi looga wada hadlay xoojinta shaqada guddiyada labada Baarlamaan u qaabishan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga iyo in la dedejiyo dhismaha gurriga Umadda Soomaaliyeed kaasi oo ay horey u ballan qaaday dowladda Turkiga.

Kulankii ugu dambeeyey waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu dalkiisu marti geliyey sanadkan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo ah Ciraaq Dr Salim Al-Jabouri waxaana kulankaasi looga wada hadlay sidii loo mataaneyn lahaa Baarlamaannada Soomaaliya iyo Ciraaq ayadoo taasina ay labada Guddoomiye hoosta ka wada xariiqeen.

Previous Post

Baarlamaanka oo ka doodaya sharciyo Muhiim ah

Next Post

Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro

Next Post
Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro

Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In