Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Guddoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa oo xilka la wareegay, Waa kuma Cabdixakiin? SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 10, 2017
in Keyd Hore, Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa oo xilka la wareegay, Waa kuma Cabdixakiin? SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

9Munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha degmada Hiliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada, halkaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir, xubno ka socday degmooyinka Gobolka, saraakiil ciidan iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Hiliwaa.

Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa xubnii ka hadlay waxa ay ka sheekeeyeen xaaladda amiga iyo horumar ee ka jirta degmada.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Guddoomiyihii Hore ee Dagmada Hiliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi oo xilka Degmadaasi  wareejiyay ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka degmada in ay la shaqeeyan Guddoomiyaha Cusub, dhankiisa uu soo dhaweynayo guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada  Hiliwaa  Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle Axmed oo la wareegay Xilka Guddoomiyenimo ee Degmada  Hiliwaa ayaa sheegay in uu halkeeda kasii wadi doono hormarka Degmada, isagoo balan qaaday in uu la imaan doono wax qabad muuqda.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay sida diiran ee aad ii soo dhaweyseen, runtii waxaan idin balan qaadayaa in aan la imaan doono waxqabad muuqda, si aan halkeeda uga sii amba qaado dadaalka uu horey u sameeyay saaxiibkey Maxamed Axmed Xaashi, idinkuna waxaan idinka codsanayaa inaad gacan igu siisiin howlaha la ii igmaday” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobalka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo munaasabad ka hadlay waxa uu kula dardaarmay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Hiliwaa in uu kasoo dhalaalo mas’uuliyadda loo igmaday, isagoo xusay in uu yahay shaqsi hal abuur leh, oo degmada u horseedi kara, horumar intan ka sii balaaran.,

Waa kuma Cabdikaxiin…?

Cabdixakiin Cumar Cabdulle waa aqoonyahan da’yar ah oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanadka markuu ahaa 1989-kii. Waxbarashadiisa Hoose, dhexe iyo Sare waxa uu ku kala qaatay magaalooyinka Mombasa iyo Muqdisho ee caasimaddaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, C/xakiin waxa uu dhawaan Shahaadaha Heerka Koowad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Soomaaliya “UNISO”, Kuliyada Maamulka iyo Maareynta, gaar ahaan Qeybta Maaliyadda iyo Xisaabaadka “School of Finance and Accounting”.

Cabdixakiin waxa uu ka mid ahaa ardayda fara ku tiriska ah ee safka hore ka geli jiray kaalmaha waxbarasho marka loo eego heerkiisa waxbarasho ee Jaamacadda.

Marka la eego dhanka shaqada, Cabdixakiin waxa uu sanadii 2010-ilaa iyo 2016 ka soo shaqeeyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA qeybaheeda English iyo Soomaaliga, waxa uuna ahaa shaqsi howlkar ah islamarkaana jecel u adeegida Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Cabdixakiin waxa uu Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka sida Telefishinka iyo Radio Muqdisho uu ka caawiyay soo saarista barnaamijyo tayo leh, kuwaasi oo ay soo jeediyeen suxufyiin kala duwan oo ka shaqeysa warbaahinta dowladda.

Intii uu Cabdixakiin ka shaqeynayay Wasaaradda Warfaafinta waxa uu xubin fir fircoon ka ahaa Guddiga Goob-shaqo ee Wasaaradda oo ah guddi mas’uul ka ah in kabadan 514 shaqaale oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Waaxyahooda kala duwan, kuwaasi oo ay shaqadoodu tahay ka warqabka shaqaalaha iyo u doodista xaquuqdooda, waxaana lagu xasuustaa in C/xakiin uu ahaa shaqsi aad ugu ad adag cadaalada, isla markaana jecel sinaanta iyo sarreynta sharciga.

Sidoo kale, C/xakiin ayaa intii uu ku guda jiray xirfada suxufinimo waxa uu ka soo shaqeeyay wabseedyo iyo idaacado kala duwan oo ay ka mid aheyd Idaacadda Radio Kulmiye oo uu u qaabilsanaa qeybta English, islamarkaana ahaa madaxii qeybtaas xilligii la howlgeliyay Idaacadda Kulmiye ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Haddii aynu ka soo gudubno xirfadda suxufinimo ee uu C/xakiin mudada dheer ku soo shaqeeyay, sidoo kale C/xakiin waxa uu muddo saddex sano ah ka soo shaqeeyay Degmada Heliwaa ee loo magacaabay waxa uuna ahaa madaxii mashaariicda degmadaas, waxaana intii uu joogay degmada Heliwaa laga hirgeliyay mashaariic horumarineed oo ay bixisay Hay’adda TIS/IOM oo gacan ka heleysa hey’adda USAID.

Mashaariicda degmada Heliwaa xilligaasi laga fuliyay waxaa ka mid ahaa dhismaha xarunta degmada Heliwaa, Ballaarinta Iskuulka Maxamuud Warsame Siyo, Naleynta wadooyin ka mid ah degmada, qalabeynta MCH-ka iyo Saldhigga degmada iyo mashaariic kale oo aad u farabadan.

Dadka yaqaaan Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa waxa ay ku tiriyaan in uu yahay shaqsi fir fircoon oo leh hal abuur buuxa islamarkaana ku ad adag sharciga, waxaana la hubaa in uu yahay shaqi ka soo bixi kara howsha culus ee loo igmaday.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

Previous Post

Madaxweynaha Dalka oo ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo ka dhacda Galmudug

Next Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 11-1-2017

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 11-1-2017

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In