Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Cusub Ee Degmada Matabaan Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Degmada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Cusub Ee Degmada Matabaan Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xarunta Degmada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Cusub ee Dagmada Matabaan ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan ayaa maanta gaaray Degmada kadib safar dhulka ah oo uu kaga ambabaxay Dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyihii hore ee degmada Axmed Maxamuud Maxamed Dhoobeey ayaa kusoo dhoweeyay duleedka Dagmada Matabaan waxaana intaas kadib wafdiga Guddoomiyaha loo soo galbiyay xarunta Degmada.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Qaar ka mid ah xubnaha maamulka Dagmada, odoyaasha, bulshada Matabaan ayaa hareeraha laamiga u taagnaa soo dhoweynta guddoomiyaha.

Xaflad kooban oo lagu qabtay gudaha Degmada Matabaan oo ay kasoo qayb galeen qaybo ka mid ah bulshada ayay Guddoomiyaasha deegaanada hoos taga Matabaan sheegeen in si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan.

Guddoomiyihii hore ee Matabaan  Axmed Maxamuud Maxamed Dhoobeey ayaa sheegay in  Guddoomiyaha cusub ay kusoo dhoweynayaan ayna dambayn doonto xafladda xil wareejinta.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada  Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa bulshada uga mahadceliyay soo dhaweynta wuxuuna sheegay in howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab halkiisa ka sii socon doono.

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Jubaland ayaa  Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’ada UNICEF ee Soomaaliya.

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galinsoor “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galinsoor “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galinsoor “SAWIRRO”

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In