Gudoomiyaha Deegaanka Ceeldibir nudane Xasan Cali Xasan ayaa ka warbixiyay dhibaatooyin roobabku ugeesteen Bulshada ku nool.deegaanka Garawaale oo hoostaga Magaalada Ceeldibir
Kadib markii dhawaan roobab xoogan ay ka da’ayeen tuulada Garawaale oo hoostagta deegaanka Ceeldibir ay sababeen burbur iyo barakac ayaa waxaa maamulka deegaanka Ceeldibir oo kaashanaya mutadawiciin dhanka caafimaadka ah waxa ay gaareen tuulada Garawaale iyagoo halkaasi baaritaano caafimaad u sameeyay Qoysas ay barakiciyeen daadad ku soo rogmaday halkaasi
Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir nudane Xasan Cali Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka intii ay ku guda jireen u gurmashada qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay daadadka ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee ay halkaasi ku arkeen iyo dadaalka ka maamul.ahaan ay wadaan, waxaana uu sheegay in daadadkii ku soo fatahay tuulada Garawaale ay ku gurya beeleen ilaa konton qoys sidoo kalana halkaasi ay ka jiraan xaalado caafimaad daro, kuwaas oo baahidooda uusan dabooli karin isbitaalka deegaanka Ceeldibir
Gudoomiye Xasan ayaana baaq u diray dowladda Federaalka, maamulka Galmudug iyo hay’addaha ka shaqeeya arimaha caafimaadka iyo samafalka, isagoo ka codsaday in deegaanka Ceeldibir iyo kuwa hoostaga ay lasoo gaaraan gurmadyo caafimaad iyo kuwo samafal ah inta xaaladu aysan faraha ka bixin