Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay howlaha gurmadka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 28, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay howlaha gurmadka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa geeyey Safiirrada Turkiga, Shiinaha iyo Xafiiska Qaramada ee Soomaaliya goobaha ay ku sugan yihiin dadka ka soo barakacay roobabka iyo daadadka ka jira deegaannada Jubbaland ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, si ay ula arkaan baaxadda dhibaatada ay daadadku geysteen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Xafiiska Qaramada Midoobey sida degdegga ah ee ay ku soo gaareen deegaanka oo uu ugu yeeray.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in mid ka xanuun badan dhibaatadan iyo duruuftan ay la nool yihiin kumannaan qoys oo wali ku go’doonsan dhulka daadadku ay xireen, kuwaas oo u baahan samatabixin degdeg ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey dowlad goboleedka Jubbaland gurmadka ay u fidiyeen dadka soo barakacay iyo dhulka ay u qorsheeyeen, waxa uuna xusay in baaxadda dhibaatada dadka soo gaartay ay ka xoog badan tahay awoodaha maxalliga ah, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan gurmadka iyo samatabixinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashada kaddib, kulan la qaatay Safiirrada Turkiga, Shiinaha, Xafiiska Qaramada ee Soomaaliya iyo hey’adaha gargaarka oo Khadka fogaan aragga uga qeyb galay, si wadajir loogu istaago gurmadka dadka ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka

 

Previous Post

Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir oo ku baaqay in loo gurmado qoysas uu saameeyay roobka

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In